Share the post "Maxaa Xiligaan Keenay inuu iska Casilo Xilkii Xoghayaha Xafiiska Wasiirka 1-aad Ee Dowlada Federaalka.."
Macluumaad ayaa laga helayaa qoraal Is-casilaad ah ee u gudbiyay Xoghayaha joogtada ee Xafiiska Wasiirka 1-aad ee Dowladda Federaalka Mr.Maxamed Abuukar Zubeyr kaasoo xilkaan haya ku dhawaad 2-Sano isla markaasna khilaaf soo kala dhex isaga iyo Saraakiil ku heyb ah Wasiirka 1-aad..
Qoraalka Is-casilaada Mr.Zuber ayuu ku sheegay iney tahay mid shaqsi ah oo aan la xiriirin xurgufta kala Dhaxeysa qaar ka mid ah La-taliyayaasha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha kaasoo la xasuusan yahay inuu gaaray gacan ka hadal, inkastoo markii dambe uy soo dhex galay Wasiirka 1-aad Mr.Xamse Cabdi Barre.

Xogo aan la xaqiijin ayaa tilmaamaya in Mr.Zubeyr Xil looga magacaabi doono Golaha cusub ee dhawaan la shaacin doono, waxaana wararku intaasi raacinayaan in Xilka Xoghayaha Joogtada Xafiiska Wasiirka 1-aad loo badinaayo in loo magacaabo Mr.Jamaal Guutaale oo xiligaan u magacaaban La-taliyaga xagga Amniga ee Xafiiska Wasiirka 1-aad.

