Rooble & Farmaajo Oo Weli Aan Xalin Khilaafkooda NISA

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa in Khilaafka u dhaxeeya Farmaajo & Rooble uu weli taagan yahay, iyadoo lagu eedeeyay Farmaajo & Fahad iney ka caga jiidayaan soo magacaabista Madaxa NISA, iyadoo lagu sababeeyay iney ku qanacsan yihiin sida uu xiligaan xaalku yahay..

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Farmaajo uusan xiligaan diyaar u aheyn inuu magacaabis sameeyo, inta ka harsan doorashada oo uu rabo inuu Yaasiin Farey sii joogo NISA, si aan loo bilaabin baarista kiiska Ikraan Tahliil, dhinaca kalena uu Fahad Yaasiin iyo Kulane Jiis dood la’aan ay u doontaan kuraasta Xildhibaanimada ee beelahooda.

Sidoo kale mid ka mid ah Saraakiisha la tuhunsan yahay Yaasiin Farey ayaa laga yaabaa inuu noqdo mid kamid ah ku simayaasha ka faa’idaya intii uu xafiiska joogaayo Madaxweynaha mudada ka dhammaatay, isagoo lagu xasuusan doono inuu dhowr ku sime u magacaabay shaqooyin kala duwan dabadeedna uu u dhaafay oo ay xafiiska ugu dambeyn toos ula wareegeen, Inuu madaxweyne Farmaajo magacaabo Taliyaha cusub ee NISA waxaa hoos taalla seddex arrimood:-

Fullinta heshiiskii isaga iyo Rooble

Ra’isul wasaare Maxamed Xuseen Rooble wuxuu fuliyey dhowr waxyaabood oo kamid ah heshiiskii isaga iyo Farmaajo, laakiin illaa hadda qodobkii ugu weynaa ee heshiiska oo dhanka Farmaajo jiray ayaan weli la fulin.

Rooble waa u aamusan yahay Farmaajo umana badna in uusan fahamsaneyn in fullintii heshiisku ay weli qabyo tahay. Haddii uu madaxweyne Farmaajo isku sii dhajiyo magacaabista taliyaha NISA, waxay ka dhigan tahay inuu ka baxay qeyb kamid ah waxyaabihii ay ku heshiiyeen isaga iyo Rooble.

Kiiska Ikraan Tahliil Faarax

Illaa hadda baarista kiiskan Ikraan Tahliil lama bilaabin, waxyaabaha hortaagana waxaa qeyb ka ah maamul la’aanta ka jirta xafiiska Hey’adda NISA iyo Farmaajo & Fahad Oo aan dooneynin in Kiiska la baaro.

Qoyska Ikraan waxay horay u sheegeen in aysan caddaalad heli karin gabadhooda illaa hoggaan madax banaan looga magacaabo hey’adda NISA, Inuu Farmaajo kusii dhaganaado xilka Taliyaha NISA ayaa xoojin doonta eedeyntii aheyd inuu madaxweynaha si buuxda u diiday in kiiskaas si madax banaan loo baaro. Eedeyntaas waxaa horay u jeediyey qoyska gabadha maqan.

Reer Galbeedka & Beesha Caalamka

Wakiilada Caalamiga ah ee ku sugan Soomaaliya waxay sheegeyn intii uu socday khilaafka Farmaajo iyo Rooble in loo baahan yahay in hey’adaha Amniga loo dhiibo dad sumcad wanaagsan ku dhex leh bulshada, iyadoo la sheegay inay dhowr jeer Farmaajo iyo Rooble kala hadleyn inay u baahan yihiin dad lagu kalsoonaan karo oo madax u ah hey’adda Nabadsugidda oo ay la wadaagi karaan arrimaha sirdoon ee dalka iyo midka ku saabsan guud ahaan Gobolka.

Wuxuu hadalka beesha Caalamka ka dhigan yahay inay diidan yihiin in xilligaan xasaasi ah la shaqeeyaan kusimayaashii la isku heystay midkood. Weli reer Galbeedka waxay Farmaajo ka sugayaan isbadal dhinacaas ah.

Dadka arrintaan isha ku haya qaarkood waxay sheegayaan in Farmaajo uu la’yahay cid uu qaato oo uu Rooble aqbali karo, maadaama uusan Farmaajo dad wax ku ool ah abuuran mudadii uu xafiiska joogay, dhowrka qof ee la joogtana boosas badan ayey kusoo fashillmeyn qaarkoodna dadkii ayaa dhibsaday, Shacabka Soomaalida waxay weli Farmaajo iyo Rooble ka sugayaan in NISA loo dhiibo hoggaan cusub oo ka madax banaan eedaha kiiska Ikraan Tahliil si baaritaanka loo bilaabo.

150920cookie-checkRooble & Farmaajo Oo Weli Aan Xalin Khilaafkooda NISA