Maxay Somalida Kenya Ku Diidan Tahay Dib u Hagaajinta Dastuurka Kenya

Somalia news

Waxaa khilaaf xoogan uu ka taagan yahay Arrimo ka dhashay Barnaajimka BBI ee lagu doonayo in isbadal lagu sameeyo Dastuurka Kenya, waxaana Maxkamadda Racfaanka dowladda Kenya ay hadda waddaa dhagaysiga sharcigan oo ay dhowaan diiday Maxkamada Sare….

Barnaamijka BBI Dadka diidan Waxaa ka mid ah Shacbiga Soomaaliyeed ee ku nool Degaanada Waqooyi-Bari Kenya, iyagoo ku sababeeyay inuusan faa’iideysanaaya ugu jirin isla markaasna dhaawac weyn u geysan doono saami qeybsiga dhaqaalaha iyo qoondada Xildhibaanada Haweenka oo meesha laga saaro, wuxuuna Barnaamijkaan u xaglinaaya Beelaha Kuukuyada Jalwada.

Sidoo kale Barnaamijkaan ayaa la sheegay iney ku jiraan qodobo ay ka mid yihiin in Howlaha Caafimaadka lagu wareejiyo Dowladda dhexe, waxeyna Cod dheer ku sheegeen Siyaasiyiinta Soomaalida Kenya in xiligaan ay dhibaato ku qabaan Dhanka Waxbarashada iyadoo ay degaanada ay ka taagan tahay Macallimiin La’aan, hadii lagu daro in Howlaha Caafimaadka lagu wareejiyo Dowladda ay dhibaato ka dhalan doonto.

126850cookie-checkMaxay Somalida Kenya Ku Diidan Tahay Dib u Hagaajinta Dastuurka Kenya