Villa Somalia & NISA Oo Lagu Eedeeyay Carqaladeynta Wada Hadalado

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga soo sheegayaa faragelin iyo carqaladeyn lagu sameeyay Wada hadalo daaha gadaashiisa ah in muddo si hoose looga dhex waday Hogaanka Maamulka Hir-Shabelle iyo Madaxa Xoogaga Hubeysan ee Magaalada B/Weyne….

Sida ay muujinayaan Macluumaadkaan, Madaxtooyada Villa Somalia iyo Hogaanka NISA ayaa dhaqaale iyo balanqaad been ah ku carqaladeeyeen wada xaajoodyadaasi muhiimka ah, iyadoo maalintii shalay Gaari aan xabada karin laga dejiyay garoonka diyaaradaha magaalada B/weyne.

Ilo wareedkaan ayaa u xaqiijiyay Warsidaha Diinah.com news in Wada hadaladaan ay istaageen, kadib markii heshiis hoose ee uu ka soo shaqeeyay Adeege Fahad Yasin uu kula heshiiyay Mr.Xuud Saami qeybsi la xiriira Kuraasta Xildhibaanada ee Gobolka Hiiraan iyo in Guudlaawe xilka laga qaado hadii Farmaajo dib loo doorto.

Mr.Farmaajo ayaa la sheegay inuu aad u quudareynaayo in 28-ka Kursi ee Gobolka Hiiraan, ay ku xiran tahay rajadiisa dib u Doorashada si uu u sii fadhiyo kursiga, Mr.Xuud oo horey cadaawad kala dhaxeysay Villa Somalia iyo Maamulka Hir-shabelle Ayaan la ogeyn Heshiiska uu la gaaray Farmaajo iyo Fahad.

126800cookie-checkVilla Somalia & NISA Oo Lagu Eedeeyay Carqaladeynta Wada Hadalado