Maamulka Farmaajo Oo Xiray Terminaalkii Diyaaradaha Khaaska ah Ee UN-ka & Amisom

Somalia news

Qoraal uu soo saaray Kuxigeenka Maareeyaha Garoonka diyaaradaha ayaa sheegay in la xiray ilaa amar dambe Terminalka Movcon ee ay isticmaali jireen Qaramada Midoobey, AMISOM iyo Safaaradaha, kaddib warqad ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibadda..

Waraaqda Maareeye kuxigeen ayaa sidoo kale lagu amray inay wixii hadda ka dambeeyay dhammaan duulimaadyada imaanaya iyo kuwa baxaya garoonka diyaaradaha Muqdisho, inay isticmaalaanTerminaalada qeybaha gudaha, caalamiga iyo qeybta VIP-da.

Villa Somalia Oo adeegsaneysa Wasiirka Arrimaha Dibeda ayaa u martay in la xiro Terminaalka Movcon Oo ay adeegsan jireen Diyaaradaha UN-ka, Amisom iyo Safaaradaha waxeyna sabab uga dhigeen in si sharci darro ah loo adeegsado, ayna markii Hore geeyeen Ciidamo Boliis ah Oo aan Hubeysneyn, waxaana ka hor yimid Saraakiisha UN-ka iyo Amisom Donna Waa looga laabtay go’aanka Ciidamada.

Isku dhac Madaxtooyada Villa Somalia iyo Wakiilada Beesha Caalamka ayaa xiliyadii ugu dambeeyay sii kordhaayay, iyadoo lagu amray dhamaan Diyaaradaha UN-ka,Amisom iyo Safaaradaha iney isticmaalaan terminaalada Qeybaha Dibeda iyo gudaha ee Garoonka diyaaradaha Magaalada Mogadishu.

157840cookie-checkMaamulka Farmaajo Oo Xiray Terminaalkii Diyaaradaha Khaaska ah Ee UN-ka & Amisom