Maxey Dowlada Federaalka & Galmudug ugu Fiirsanayaan Dadka Degaanka Difaaca Degmada Xaradheere..

Somalia news

inkastoo uu habacsanaan iyo hakad ku yimid Howlgalkii uu Hormuudka u ahaa Madaxweynaha Somalia, gaar ahaan midka ka socday degaanada Maamul-Goboleedyada Hirshabelle iyo Galmudug, ayaa waxaa dul istaageynaa Xaalada Degmada Xaradheere Dadka Degaanka & Ciidamada Dowladda ay weli ku sugan yihiin Degmadaasi…

Khubarada Arrimaha Ciidamada ayaa qiray in Degmada Xarardheere ay tahay tijaabadii ugu dambeysay ee isku dayga kooxda argagixisada, Dadka Degaanku oo kaashanaaya Ciidamada Dowkadda waxay wajahayan koox uusan dhinac kale dagaal uga socon, xili beelaha qaar ay furimihii kale ka soo baxeen sababo aan la aqoon.

Dowladda Federaalka iyo Maamulka Galmudug waa in aaney Dadka Degaanka ku fiirsan culeyska ay kooxda argagixisadu soo saartay dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay, Waa inaan fahamnaa in hadii Walaalaha Xarardheere laga adkaado inuu dagaalkii gobollada dhexe fashilmay isla markaasna khatar gelin karaan Degmada Hobyo.

Bulshada Degmada Xarardheere si ay kooxda argagixisadaShababku uga adkaadan kuma filna iney Dowladdu Facebook ku taageerto ee waa in gurmad iyo gacan ficil ah lagu biiriya, oo fadhiga laga kacaa Guul, gurmadka oo waqtigiisa idin soo gaara iyo argagixisada oo aad soo af-jartan ayaan idiin rajeynaya insha Allah.

317590cookie-checkMaxey Dowlada Federaalka & Galmudug ugu Fiirsanayaan Dadka Degaanka Difaaca Degmada Xaradheere..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com