Dowlada Djibouti Oo Marti Gelineysa Wada Hadalo ay wada yeeshaan Dalalka Somalia & Ethiopia..

Africa News Somalia news

Macluumaad Diblomaasiyadeed ayaa daaha ka rogaaya in Dhawaan Dowladda Djibouti ay marti gelin doonto Kulan ay wada yeeshaan Dowladaha Ethiopia & Somalia, Wada hadaladaan ayaa lagu falanqeynayaa sidii loo xalin lahaa xariirka Addis Ababa iyo Muqdisho, gaar ahaana Is-afgaradkii dhexmaray Somaliland & Ethiopia..

Wasiirka Arrimaha dibada Djibouti Mr.Maxamud Yusuf, ayaa sheegay iney markasta diyaar u tahay sidii loo dhex dhexaadin lahaa xaalada Ethiopia iyo Somalia, Dalkiisuna dhexdhexaad ka yahay, Khilaafka taagan loona baahan yahay in xaaladda la dajiyo, oo aan laga soi darin.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa horey u sheegay in Djibouti ay tahay walaal-weyn, oo garab iyo gaashaan u ah Somalia, isla markaasna ay soo dhaweynayaan baaqyada iyo dadaalada ay wadaan, iyadoo dhawaan Wada hadalo ay qabanqaabisay Kenya uu fashil ku soo dhamaaday.

317560cookie-checkDowlada Djibouti Oo Marti Gelineysa Wada Hadalo ay wada yeeshaan Dalalka Somalia & Ethiopia..