Cabsi Xoogan Oo Laga Qabo in Abaarta Somalia ka Jirta ay isu Bedesho Macluul Baahsan

Somalia news

Warbixin hordhac ah ayaa sheegaya, in tirada dadka ku barakacay abaaraha xiligaan ka taagan Somalia ay haatan saameysay Dad kor u dhaafeen ilaa 1-Million oo Qof, iyadoo QM ayaa ka digtay in abaaraha ka jira Dalka ay isu bedeli doonaan macaluul baahsan haddii aan si degdeg ah wax looga qaban…

Xafiiska isku-xirka Gargaarka bini’aadanimo ee Qaramada Midoobay ee loosoo gaabiyo UN OCHA ayaa sheegay in bishii July oo keliya, in ilaa 83,000 oo qof ay guryahooda ka barakaceen abaaraha jira dartood, waxaana meelaha ugu daran ku jira Gobollada Bay, Banaadir iyo Gedo.

Ishaku Mshelia, oo ah Kuxigeenka Isuduwaha xaaladaha deg dega ah ee Hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cuntada iyo Beeraha, ee loo soo gaabiyo FAO ayaa VOA-da ugu sheegay khadka taleefoonka Arbacadii in dadka ku barakacay abaaruhu ay safar dheer ugu jiraan sidii ay u heli lahaayeen cunto, biyo iyo agabka kale ee ay u baahan yihiin, isagoo sheegay in FAO ay isku dayayso inay caawiso.

FAO Xafiiskeeda Somalia ayaa sheegay inay u baahan yihiin ilaa $130-Millions si ay si buuxda ugu fuliso qorshaheeda ka hortagga macaluusha, kaas oo loogu talo galay inuu caawiyo illaa hal milyan oo qof oo ku nool dhulka baadiyaha ah.

206890cookie-checkCabsi Xoogan Oo Laga Qabo in Abaarta Somalia ka Jirta ay isu Bedesho Macluul Baahsan