Ma Dhabaa in Maamulka Puntland uu Caqabad ku Yahay Hanaqaadida Dowladnimada Dalka…

Somalia news

Sooyaalka taariikheed ee Hogaanada Maamulada soo maray Degaanada Puntland waxey caan ku noqdeen iney mar kasta xiriirka u jaraan wada shaqeynta kala dhaxeysa Dowladda Federaalka hadii ay ka waayaan danahooda gaarka ah, waxaana lagu fasiray iney (Siyaasiyiintooda) diidan yihiin Hanaqaadida Dowladnimada Dalka..

Bal dib aan ugu noqono Maamulkii Puntland ayaa xiriirka u jaray Dowladii KMG-ka aheyd 25 Janaayo, 2011, iyadoo ku eedeysay in looga baxay heshiis lala galay, ku darsoo Maamulkii Degaankaasi ayaa mar kale xiriirka u jartay Dowladii Faderaalka 6-Agoosto 2013, waxeyna ganafka ku dhufteen Mashruucii wax ka badalka Dastuurka Dowlada Federaalka.

1-08-2014 ayeey Maamulka Puntland (Cabdiraxmaan Faroole) mar kale xiriirka u jartay Dowlada Federaalka iyadoo xiligaasi ka biyo diidan Maamul u dhisida Degaanada Galmudug, Mar kale ayeey Hogaanka Puntland xiriirka u jareen Dowlada Federaalka taariikhdu markey aheyd 27-May-2019 waxeyna ku sababeysay iney hakisay wada shaqaynta Dowladda ilaa laga heshiiyo wax ka badalka Dastuurka. (Cabdiwali Gaas).

Sidoo kale Maamulka Deni ee Puntland ayaa ku dhawaaqday inay u dhaqmayso sidii Dowlad ka madax-bannaan taariikhdu markey aheyd 9-1-2023 kadib markii DFS fulin waysay Danaha shaqsiga ah ee Deni, inkastoo ay khalad aheyd inuu Madaxweynaha ka dego magaalada Garoowe oo uu kaqeyb galo Munaasabasii Caleemo saarka Deni oo lagu eedeeyay inuu Doorashada boobay, ayaa haatan wuxuu (Mr.Deni) diidan yahay wax ka badalka Dastuurka waa 2024.

317630cookie-checkMa Dhabaa in Maamulka Puntland uu Caqabad ku Yahay Hanaqaadida Dowladnimada Dalka…