Maxey Duulimaadyadii Turkish & Ethiopian U Hakiyeen

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Mas’uuliyiin katirsan shirkadaha Ethiopian Airlines iyo Turkish airways oo duulimaadka ayaa joojiyeen si KMG ah duulimaadyadii Muqdisho 20-Feb-2021, War kooban oo Shirkadahaan ay soo saareen ayeey ku sheegeen sababo la xiriira dagaalkii Dowladda ku qaaday Midowga Musharixiinta…

Howlwadeenka duulimaadka iyo garoonka Aden Cadde International Airport ayaa u sheegay Warsidaha Diinah.com news in sababta loo joojiyey duulimaadka Turkish Airlines ee Sabtigu ay tahay Israsaaseyn dhexmartay Ciidamada Dowladda iyo illaalada Midowga Musharixiinta qaarkood oo kadhacday isgoyska KM4! Rasaasta u gudubtay garoonka ayaa horseedday gubashada Maqaayado katirsan garoonka.

Sidoo kale Duulimaadyadii Ethiopian Airlines  ayaa qaatay go’aan la mid ah kan Turkish Airlines ee hakinta duulimaadyada sabab la xiriirta dhibaatada dhinaca Amaanka iyo qalalaasaha siyaasada ee Caasimadda Mogadishu ka taagan.

ETHIOPIAN AIRLINES MOGDISHU.

WAXAAN LA SOCODSIINAYNAA DHAMAAN MACAAMIISHA KU XIRAN DIYAARADDA ETHIOPIAN AIRLINES MOGDISHU IN LA CANCEL GAREYEY (la joojiyey) FLIGHTS’KA IMANAYAY IYO KUWA BAXAYAY BERRI LABADA GALINBA OO KU TAARIIKHAYSAN 20 FEB 2021.

WIXI INFORMATION AH WAXAAD KALA XIRIIRI KARTIIN XAFIISKA DIYARAADA EE KU YAALLA SAHAL OFFICE KM4.

96260cookie-checkMaxey Duulimaadyadii Turkish & Ethiopian U Hakiyeen