Iyadoo uu sii kordhaayo xiisada ka dhalatay Eryidii Qeybo ka mid ah Guddiyada Khilaafaadka Doorashada, ayaa waxaa soo shaac baxaaya in Mr.Rooble uu bixiyey amar ah in laga saaro Hotelkii ay dejisay Dowladdu, halka qaarkood ay diideen iney ka guuraan Hotelka kuwo kalena ay shalayba isaga guureen…
Xubnahaan ayaa qaarkood lagu eedeeyay iney si musuqmaasuq ah u maareeyeen Hop#067, iyadoo sidoo kale la sheegay iney dhex muushaaxaayeen Villa Somalia iyo Xarunta NISA, Wararka ayaa sheegay in Warbixino la xiriira in la hayo caddeymo muujinaaya iney dhaqaale ku qaateen kursiga Muranka ka taagan.
Maxaa Laga Faa’iidi Doonaa Eryida Xubnaha Guddiga Khilaafaadka Doorashada:-
-Kalsoonida Doorashada, Hab-Dhaqanka Guddiyada Doorashada iyo kuwa Khilaafaadka waxey si weyn u dhaawaceen Kalsoonida Xulashada Xildhibaanada Baarlamaanka 11-aad, iyadoo Musharixiin badan ay iskaga tageen Doorashada kadib markii laga hor istaagay.
-Joogsiga Gacan-togaaleysiga Guddiyada Doorashada, Qeylo dhaan ayaa ka soo yeertay Gacan togaaleysiga Guddiyada Doorashada iyo u xaglinta Villa Somalia, waxeyna is darensiiyeen in aan talaabo laga qaadi karin kuna tagri falaan Awooda lagu aaminay, Iyadoo Waajibaadkooda ka door biday jeebkooda.
-Xalka Boobka Kuraasta, Doorashadana ayaa ku bilaabatay Jawi boob ah, iyadoo dhowr jeer Wasiirka 1-aad iyo Hogaamiyayaasha Mucaaradka ay ku baaqeen in la joojiyo Boobka lana dhowro hufnaanta Doorashada laguna dhaqmo have-raaca qoran, waxaana muuqatay in Guddiyada Doorashada iyo Madaxda Maamulada ay dhegaha ka fureysteen baaqyadaasi.
-Aqoonsiga Doorashada, Wakiilada Beesha Caalamka Iyo Hogaamiyayaasha Mucaaradka iyo Guud ahaan Shacbiga Soomaaliyeed ayaa walaac ka muujiyay Hufnaanta iyo Boobka Doorashada lagu hayo waxaana lagu baaqay in wax laga bedelo Hanaanka wax u socdaan.