Shirka Arrimaha Degaanka ee UNEP ee Nairobi & Xiisadaha Dalalka Ethiopia & Somalia..

Africa News

Tobobaadkaan ayaa loo madlan yahay in Magaalada Nairobi lagu qabto Shirka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Degaanka oo shalay si hordhac ah uga furmay, ayaa waxaa lagu wadaa iney ka qeyb galaan Ra’iisul wasaaraha Ethiopia iyo Madaxweynaha Somalia…

Shirkaan oo kii 6-aad ah ee arrimaha Drgaanka, isbedelka Cimilada iyo Wasakhda hawada oo dhibaato ba’an ku haya noolaha, iyadoo ay ka soo qeyb geli doonaan 5,000 oo Ergo oo ka kala socda Dowladaha Aduunka, Bulshada Rayidka iyo NGO-da wuxuuna socon doonaa ilaa 1-da March, wuxuuna ka furmaaya (Shirka) Xarunta UNEP ee magaalada Nairobi.

Ilo Wareedyo loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya in Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa ka codsaday markii 2-aad Madaxweynaha Kenya inuu kulan u qabto isaga iyo Madaweynaha Somalia, inkastoo uu horey u diiday haddana waxaa la filayaa inuu ku adkeysto (Xasan Sheekh) mowqifkiisii hore ee ahaa inuu Heshiiska ka laabto raali gelina bixiyo taasoo uusan (Abiy) xiligaan diyaar u aheyn.

311160cookie-checkShirka Arrimaha Degaanka ee UNEP ee Nairobi & Xiisadaha Dalalka Ethiopia & Somalia..