Maxkamada Ciidamada Oo Joojisay Baarista Kiiska Ikraan Tahliil

Somalia news

Macluumaad hordhaca ah ayaa xaqiijinaaya in Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Dowladda Federaalka uu soo saaray amaro Lagu joojinaayo barista Kiiska Sarkaaladii ay afduubteen Hogaankii hore ee NISA isla markaasna dileen…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Maxamuud Axmed Xasan “Dalab” oo horey uga tirsanaa Xafiiskii xeer ilaalinta ee Maxkamadii Badbaadada, ayaa faray Xafiisyada Xeer ilaalinta iyo Maxkamada Ciidamada iney si deg deg ah u joojiyaan Baarista iyo wareysiyada Kiiska Ikraan Tahliil isla markaasna lagu soo wareejiyo macluumaadka iyo xogaha la uruuriyay.

Talaabadaan ayaa ku soo beegmeysa xili saakay aroortii uu Magaalada Mogadishu dib ugu soo laabtay Eedeysane Fahad Yasin oo ku yimid Diyaarad kiro ah, iyadoo ifafaalaha muuqda ay muujinaayaan in heshiis hoose laga gaaray Afduubka iyo Dilka Sarkaaladii NISA ka tirsaneyd.

141870cookie-checkMaxkamada Ciidamada Oo Joojisay Baarista Kiiska Ikraan Tahliil