Saameynta Beesha Caalamka Ee Khilaafyada Soomaalida Oo Hoos U Dhacday

Somalia news

Tan iyo markii dhidibada loo taagay Nidaamka Dowladda Federaalka, isla markaasna la dhisay xukuumado ayaa waxaa dhinac socday Khilaafyo, iyadoo Mar kasta ay ku soo bixi jireen Wakiilada Beesha Caalamka si loo dhameeyo Muranka Siyaasadeed, talaabadaasi oo noqotay mid badbaadisay hanaanka Dowladda..

Inkastoo fara gelinta Khilaafyada Dowladda Federaalka ee Wakiilada Beesha Caalamka ay ku ekaayeen qoraalo ay soo saaraan, ayaa 4-taan sano noqday kuwo wax ka tari waaya Xalinta Khilaafka Siyaasadeed ee Madaxda Dowladda Federaalka ee jira oo muddo Sanad ah jiitamaaya, Qoraalkii ugu dambeeyay ee Golaha Amaanka ayaa u dhignaa sidaan:-

Dhamaan dadaaladii iyo Kaalintii Wakiilada Beesha Caalamka ayaa noqday hal Bacaad lagu lisay ee Saameynta Siyaasada Somalia, iyadoo markii Hore aad loo dhageysan jiray Baaqyada iyo Qoraalada ay soo saaraan isla markaasna aad ugu nuglanaayeen Siyaasiyiinta xiligaan Saameynta ku leh Siyaasada Dalka.

Khilaafka labada Xafiis (Madaxweynaha iyo Wasiir 1-aad) Ee Dowladda Federaalka ee wakhtiga ka dhamaaday ayaa u muuqda mid wakhti badan lagu luminaayo oo muddo sanaad ah jiitamaaya waxaana laga cabsi qabaa inuu horseedi karo inuu burbur ku yimaado qaab dhismeedka Dowladda Federaalka ee jilicsan loona noqdo halkii Laga yimid 12-sano ka hor.

141830cookie-checkSaameynta Beesha Caalamka Ee Khilaafyada Soomaalida Oo Hoos U Dhacday