Maxkamada Gobolka Oo Xukun Adag Ku Riday Oday 70-sano Jir ah & Sababta…

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Maxkamadda Gobolka Brnaadir oo xukun adag ku riday Carkow (Oday) ah 70-sano jir ah, kaasoo lagu helay dambiyo la xariira lacag dhaqis iyo maalgalinta kooxda Argagixisada Shabaabka, Xukunkaan ayaa noqonaaya kii ugu horeeyay ee Maxkamad Rayid ah gaartay..

Wararka ayaa sheegaya in Carkowgaan (Dambilahaan) oo magaciisa lagu sheegay Cali Xuseen Isxaaq ayeey Maxkamadda Gobolka Banaadir ku xukuntay 7-sano xarig ah iyo ganaaxa lacag dhan US$3,000, Odaygaan ayaa Xafiiska Xeer ilaalinta ku soo eedeeyeen in Akoonkiisa gaarka ah Kooxda Argagixisada loo marsiiyay lacago shab 500-Kun US$ ah.

Dambiyada 70 jirkaan lagu soo oogay ayeey Maxkamadu laba u kala qaaday, midka lacagta maalgalinta kooxda 4 sano oo xabsi ah, halka midka lacag dhaqistana uu noqday 3 sano oo xabsi ah, taaso isku noqotay 7 sano oo xabsi ah, hase yeshee waxaa intaas u sii dheer Carkowga in laga rabo ganaax lacageed oo gaaraya US$3,000.

327210cookie-checkMaxkamada Gobolka Oo Xukun Adag Ku Riday Oday 70-sano Jir ah & Sababta…