Dibad-baxyo Rabshado wata Oo Ka Dhacay Degaanka Ari-Cadeeye

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Rasaas xoogan oo ka dhacday Magaalada Adhi Cadeeye oo Laascaanood u jirta 30-km kadib markii ay Dad Rayid ah banaanada iskugu soo baxeen oo ay jidka xirteen, iyadoo isku dayay iney Wadada ka xirtaan Xoogaga Somaliland doonaysay iney mariso baabuurta sida meydka iyo dhaawaca u sida ee ku soo dhaawacmay duleedka Laascaanood..

Wararka ayaa sheegay in ilaa hadda la xaqiijiyey dhaawaca labo ka mid ah Hooyooyinka Magaalada oo Somaliland xabado ku riday sida ay sheegayaan dad goob joogayaal ah, Sidaasoo kale wararka ayaa sheegaya in mid ka mid ah xarunta Shirkadaha Isgaarsiinta ee magaalada ay waxyeelo u geysteen Xoogaga Somaliland, baabuur ka mid ah kuwaooda uu ku rogmaday halkaas kaasoo ay dhaawacyo ka dhasheen.

Maleeshiyaadka Maamulka Hargeysa ayaa ayaa wadada degaanka Ari-cadeeye u isticmaasha saadka ciidamadeeda ku sugan duleedka Laascaanood, waxaana dhiiladaan cusub ay ka dhigeysaa wajiga dagaalka oo isbedelaya, iyadoo Dagaalka sokeeya uu galay bishii 4-aad.

249230cookie-checkDibad-baxyo Rabshado wata Oo Ka Dhacay Degaanka Ari-Cadeeye
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com