Joojinta Aaladaha Baraha Bulshada: Dhibaatooyinka & Faa’iidada Laga Dhaxlay…

Somalia news

Inkastoo Wakhtigii ay Wasaarada Isgaarsiinta u qabatay uu maanta ku eg yahay joojinta isticmaalka 3-da aaladood (Tik tok, Telegram iyo 1XBET, Go’aankaan ayaa kiciyay falcelino kala duwan, iyadoo Dadka qaarkiis ay sheegeen in loo baahan yahay in la la dagaalamo Anshax xumada, halka kuwo kale ay diirada saareen isticmaalka togan…

Maamulka Xasan Gurgurte ayaa ku adkeystay go’aanka joojinta Aalada Telegram oo sanadihii ugu dambeeyay ay kooxda argagxisada aad u isticmaaleysa baafinta borobagaandada iyo faafinta muqaalada anshaxa xun gaar ahaan kuwa sida qarsoodiga ah looga duubo Gabdhaha.

Halka Aalada 1XBET go’aanka joojinta ay salka ku heyso ciyaarta qamaarka loona arko mid aad ugu faaftay Guud ahaan Dalka gaar ahaan Caasimada bulshadana dhibaato weyn xiligaan ku haya dhaqaale iyo dhimirba dhalinyarada Soomaaliyeed, iyadoo dhawaan warbaahinta lagu faafiyay Xukun Maxkamadeed Askari Dowladda ka tirsan oo Qoryo iibsaday si u ugu ciyaaro Qamaarka.

Ku darsoo Aalada Tik tok, ayaa lagu tilmaamaa Aalad laba afle ah oo yeelan kara laba saameyn oo midi togan yahay halka kan kale taban yahay, Dadka qaarkood ayaa ku doodaaya in faa’iidooyinka laga helay ay ka mid tahay fursadaha Waxbarasho, Diinta iyo shaqo ay ka faa’iideen tiro badan oo Dhalinyaro Soomaaliyeed kana leexisay Tahriibka.

Maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa kasoo horjeestay go’aankaan, waxeyna talaabadani culeys ku saareysaa Shirkadaha adeegyada Net-ka bixiya guud ahaan gaar ahaan Hormuud iney ka fekerto danaha iyo macaashka Shirkadda bacdamaa ay adeegyo Internet iyo Talefoono ka bixiso Degaanada Maamuladaan diiday Go’aanka Maamulka Mogadishu.

273590cookie-checkJoojinta Aaladaha Baraha Bulshada: Dhibaatooyinka & Faa’iidada Laga Dhaxlay…