Dembiyada Kufsiga gudaha Somaliland oo xowli u kordhaya 

Somalia news

Warbixino laga diyaariyay heerka uu gaarsiisan yahay Dembiyada Kufsiga la xiriira ee Gudaha degaanada ay ka arrimiyaan ee Somaliland ayaa xad dhaaf noqday , oo marba marka ka dambeysa tiradoodu sii kordheyso, iyadoo xoogaga amaanka lagu eedeeyay iney ku guuldareysteen Xakameynta kiisaskaan…

Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in Tirada kiisaska sanadkaan la diiwaan geliyay ay aad uga badan kuwii sanadihii hore, iyadoo 7-dii bilood ee ugu dambeysay la diiwaan-geliyey kiisas kufsi oo gaaraya 286 kiis, dembiyada Kufsigan oo joogtada noqday ayaa loo sababeynayaa, kororka isticmaalka maandooriyaha oo indhaweydba bulshada Somaliland fara kulul ku hayey.

Maamulka Garsoorka (Maxkamadaha), oo kiisaskan la hor geeyo, ayeey dhibanayaasha badankood kala kulmeen eex, iyadoo kiisaska qaarkood aan loo qaadin qaab caddaalad ah, Dembiyada Kufisga ku kordhaya gudaha Somaliland ayaa qeyb ka noqonaya, tacadiyada sanadihii ugu dambeeyey ay wehelka u noqdee Haweenka & Hablaha.

211130cookie-checkDembiyada Kufsiga gudaha Somaliland oo xowli u kordhaya