Meydka Marxuum Oo La Soo Dhigay Wado

Somalia news

Wararka hordhaca ayaa sheegaya Xaafadda Salaama oo dhaxeysa Isgoysyada Baar Ubax iyo Blacksea Ee Degmada Howlwadaag ee Gobolka Benadir gaar ahaan laamiga dheer ee Soddonka waxaa saakay lagu arkay maydka qof la dilay….

Ciidamo katirsan Dowladda Federaalka ayaa tagay halka lagu dilay Ninkaan oo ah dhanka dhinaca laamiga ay ka maraan Gawaarida kasoo tagta Baar Ubax ee aadda dhanka Balaagsii (Black Sea).

Baakado ayay dul saareen, Ciidamada Booliiska ayaa xiray waddooyinka u dhaw halka Maydka lagu arkay, waxaana laga celinayay dadka lugeynayay sida Mustaqbal ay u xaqiijiyeen qaar kamid ah dadka deegaanka.

“Qof la dilay oo aan garaneyn cidda dishay ayaa saakay ku aragnay laamiga soddonka gaar ahaan xaafadda Salaama, Ciidamada Booliiska Degmada Howlwadaag ayaa tagay oo dhinac kamid ah wadada xiray, waxaana yimid Askarta baarista ee xarunta C.I.D-da” Sidaasi waxaa Diinah.com news u sheegay qof kamid ah dadka Degaanka.

Ilaa haatan lama hayo xogta ninkaan la dilay ee Maydkiisa saakay lagu arkay Xaafadda Salaamka Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir, sidoo kale Hay’adaha amniga Dowladda Federaalka kama aysan hadlin.

Waaxda Xaawo Taako Degmada Howlwadaag ee uu ka dhacay dilkaan waxaa maalin kahor waa Khamiistii ka dhacay Qarax ismiidaamin qof jaakad walxaha lagu soo xiray watay uu fuliyay, waxaana ku dhintay Taliye katirsan Nabadsugidda.

64340cookie-checkMeydka Marxuum Oo La Soo Dhigay Wado