Maamulka Hargeysa (Somaliland) oo Degaanadeeda ka Mamnuucday Wariyayaasha Idaacadda BBC-da

Somalia news

Warar dheeraad ayaa laga helayaa Maamulka Hargeysa ayaa ku dhawaaqday inay ka mamnuucday degaanadeeda inay ka howlgasho Idaacadda BBC-da oo laga leeyahay dalka UK, iyagoo ku eedeeyay Wariyayaasha Idaacada iney faraha la galeen arrimaha gudaha ee Maamulka..

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koore, oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta Maamulka ee Hargeysa ayaa sheegay iney joojiyeen in BBC kasii shaqayso Degaanadooda, waxaana uu sababta ku sheegay inay hoos u dhigtay wax uu ku sheegay Karaamada Somaliland.

202260cookie-checkMaamulka Hargeysa (Somaliland) oo Degaanadeeda ka Mamnuucday Wariyayaasha Idaacadda BBC-da