Dani & Madoobe Oo Dhaqdhaqaaq Ka Bilaabay Nairobi

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Nairobi ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka bilaabay dhaqdhaqaaq is-xulufaysi siyaasadeed oo ku wajahan Doorashada 2020/2021, wuxuuna Kulamo la yeelan doonaa asiyaasiyiinta iyo Ganacsatada ku sugan Magaalada….

Sida Warsida Diinah.com news uu ogaatay waxaa Madaxweyne Deni uu halkaasi u tegay hirgelinta xulufaysi siyaasadeed oo ku aaddan Arrimaha Doorashada Somalia, maalmo kadib markii la soo saaray Habraaca iyo Jadwalka Doorashadaas.

Wararku waxay sheegayaan, in Madaxweyne Deni uu Magaalada Nairobi kulamo kala duwan kula yeelan doono, siyaasiyiin miisaanleh oo damac kaga jiro Doorashada soo socota iyo sidoo kale wakiilo ka socda dalalka daneeya Arrimaha Somalia.

Kulamada badankooda waxa la filaya in ay noqdaan kuwa qarsoon oo aan la shaacin, inkastoo laga yaabo in qaarkood la shaaciyo, sidoo kale, Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa isna lagu wadaa inuu maalmaha soo socda gaaro Magaalada Nairobi, islamarkaana ku biiro kulamada siyaasadeed ee uu halkaasi ka socda.

64370cookie-checkDani & Madoobe Oo Dhaqdhaqaaq Ka Bilaabay Nairobi