Midowga Africa Oo Ergay u Soo Magacaabaya Somalia

Somalia news

Golaha Amniga ee Midowga Afrika oo shir ka yeeshey xaaladda cakiran ee Somalia, ayaa war murtiyeedkii ay soo saareen ku dalbadey in Madaxweynaha Midowga Afrika si degdeg ah u magacaabo ergay gaar ah oo la kulma dhinacyada Soomaalida isla markanaa keena isu tanaasul…

Sidaan si lamid ah Sanadkii 2010 ayaa Midowga Afrika u soo magacaabeen Ergay gaar ah, kadib markii Baarlamaankii xilligaas uu samaystey muddo kororsi. Midowga Afrika ayaa soo magacaabey sanadkaas madaxweynihii hore ee Ghana Jerry Rawlings, waxaana dalka Raysalwasaare ka ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Jerry Rawlings ayaa dedaaladiisi ku dhameeyey Kampala Accord oo uu ku baxay Raysalwasaarihii xukuumaddii kumeelgaarka ahayd Mr Farmaajo.

Talaabadaan ayaa ka dhigan in Ergayga gaarka ah ee la soo magacaabayo safaro ku tegi doono Gobolada dalka isuna soo dhaweyn doono dhinacyada.

Waxaa horey u joogey dalka Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey, waxaase hadda ku soo darsamaya Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika, iyada oo Farmaajo horey miciin u bidey Midowga Afrika in ay la tabantaabin karaan labada sano ee isu caano shubey.

Accordingly requests the Chairperson of the AU Commission to immediately appoint and dispatch to Somalia, a High Representative as Special Envoy for Somalia, to work with the Parties and other concerned stakeholders, with the support of the Special Representative of the Chairperson of the Commission and Head of AMISOM, to reach a mutually acceptable compromise, and to report back to Council within the next four weeks;

Dhanka kale Warmurtiyeedka ayaa Qodobkiisa 12-aad looga codsaday AMISOM inay la socoto dhaq dhaqaaqa Ciidamda Amniga Soomaaliya, sidoo kale Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa laga codsaday inuu qabto shirarka dalalka Ciidamada ka jooga Soomaaliya heer Safiiro iyo heer taliyeyaasha ciidamada.

113360cookie-checkMidowga Africa Oo Ergay u Soo Magacaabaya Somalia