Ma Dhabaa in Khilaafkii Magacaabista Garsoorka Maxkamada Puntland Heshiis laga Gaaray

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in markii saddexaad Guddoomiyaha Maxkamadda sare u magacaabaya Avv. Axmed Maxamed Yuusuf Taaraan, Kadib markii Madaxweynaha Puntland oo Xildhibaanada intooda badan heshiis hoose la gaaray…

Markii u horaysay Mr.Deni ayaa 31 March ee sanadkaan Axmed Taaran u magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda sare balse Baarlamanka ayaa 4 July diiday iney ansixiyaan isaga iyo Xubnihii kale ee Maxkamadda.

Madaxweynaha ayaa isla maalintaas mar kale dib u magacaabay Xubnaha Maxkamadda sare oo uu u horreeyo Guddoomiye Axmed Taaraan, 7 July ayuu mar kale Baarlamanku meel-mariyay go’aan Baarlamaani ah oo diidaya in dib loo magacaabo Xubnaha Maxkamadda sare.

Waxaase wada-xaajood muddooyinkii dambe u socday Madaxweynaha iyo inta badan Xildhibaanada Baarlamanka lagu heshiiyay in la qaybsado Xubnaha Maxkamadda sare.

205890cookie-checkMa Dhabaa in Khilaafkii Magacaabista Garsoorka Maxkamada Puntland Heshiis laga Gaaray
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com