Farmaajo Oo Lagu Eedeeyay Khiyaano Qaran

Somalia news

Sharci-dajiye ka tirsan Aqalka Sare ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha wakhtiga ka dhamaaday Mr.Farmaajo inuu ku kacay Khiyaano Qaran iyo dembiyo kale oo culus, eedaan ayaa sii karaar siisay Qadiyada hareynta Doorashada Sanadkaan oo ka xiiso badanaan doonta kuwii hore…

Gudoomiye Kuxigeenka 1-aad ee Aqalka Sare Mr.Abshir Axmed Bukhaari ayaa ku eedeeyay Mr.Farmaajo inuu Mas’uul ka yahay Dhalinyarada rahan ahaan loogu heysto Dalka Eritrea kuwaasoo tiradoodu u dhaxeyso 5-7000 oo Askari, wuxuuna intaasi raaciyay iney soo shaac baxayaan Warbixino la xiriira Dhalinyaradaan Soomaaliyeed in si qasab ah loogu dagaal geliyay Dagaalada ka dhacay Gobolka Tigray, kuwaasoo dhimasho, dhaawacba iyo Maxaabiis ahaan loo qabtay ka soo gaaray.

Senator Bukhaari ayaa ugu baaqay Shacbiga Soomaaliyeed iyo Qof kasta oo damiir Leh iney u istaagaan sidii Dhalinyaradaan dib loogu soo celin lahaa Dalka islamarkaana looga soo badbaadin lahaa Cadowga soo jiraanka ah Ee loo gacan geliyay, Mas’uuliyiinta Dowladda ayaa dhowr jeer beeniyay Fadeexadaan inkastoo aysan muujin iney diyaar u yihiin iney si cad uga warbixiyaan xaalada Dhalinyaradaan rahan ahaanta loogu heysto Eritrea.

127920cookie-checkFarmaajo Oo Lagu Eedeeyay Khiyaano Qaran