Midowga Musharixiinta Oo Soo Saaray Qoraal

Somalia news

Qoraal ay si wadajir ah u soo saareen Midowga Musharixiinta ayeey ku cambaareeyeen Qoraalkii uu ku laalay awoodaha iyo Howlaha Wasiirka 1-aad ee Dowlada Federaalka, waxeyna sheegeen in qoraalkaasi uu been badan ka buuxo isla markaasna uu ku xadgudbay Daatuurka iyo Awoodaha Xafiiska..

Bayaanka ayeey ku sheegeen in Mr.Farmaajo uu si bareer ah ugu tuntay Dastuurka Dalka, isagoo si khaldan u fasirtay Qodobada 87 iyo 90, isla markaasna uusan ka soo bixin Mas’uuliyada ka saaran ilaalinta Dastuurka iyo sareynta Sharciga, sidoo kale waxey ku eedeeyeen inuu xagal daacinaayo cadaalad u helida Kiiska Ikraan Tahliil gabaadna siinaaya Eedeysanayaasha.

141170cookie-checkMidowga Musharixiinta Oo Soo Saaray Qoraal