QM oo ka digtay in Somalia ay qarka u saaran tahay inay ka dillaacdo macaluul gallaafata…

Somalia news

Qoraal uu soo saaray Adam Abdelmoula oo ah Xiriiriyaha hawlaha bini’aadanimo ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia, ayaa sheegay in Dalka uu qarka u saaran yahay inay ka dillaacaan gaajo iyo macaluul baahsan oo gallaafata nolosha boqollaal kun oo qof, Isaga oo sheegay in xaalada abaarta ee Somali ay ka sii darayso marba marka ka dambeeya..

Xiriiriyaha ayaa sheegay in sababaha ugu weyn ee abaarta uga sii daray ay ka mid tahay, iyada oo aanay Somalia si fiican u helin roobabkii la filayey muddo afar xilli ah oo isku xigay, taasoo keentay inay Dalka ka dhacdo abaartii ugu darnayd ee soo marta muddo 40 sano ah. Waxaa sidoo kale walaac badan laga muujinayaa qiimaha cuntada oo Iyana cirka isku shareeray, halka ay xadidan tahay kaalmada bini’aadanimo ee loo fidiyey dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Qaramada Midoobay ayaa sheegaysa in xogaha ay hayaan ay muujinayaan in ilaa 8 deegaan oo Somalia ka tirsan inay abaaruhu si daran u saameeyeen kuwaasoo halis ugu jira inay ka dillaacdo macaluuli, goobahaas ayaa badankoodu waxay ku yaallaan Koonfurta dalka, gaar ahaan gobollada ay ka jiraan xasilooni darrada iyo colaadaha kale oo keenay inay adkaato in gargaarka la gaadhsiiyo dadka tabaalaysan.

193560cookie-checkQM oo ka digtay in Somalia ay qarka u saaran tahay inay ka dillaacdo macaluul gallaafata…