Ma Dhabaa in Mr.Dani Uu Maalmo Kooban Kadib Dib ugu Laabanaayo Dubai & Sababta..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Addis abeba ayaa sheegaya in maanta lagu wado in Madaxweynaha Puntland inuu kulan kula yeesho Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed, wuxuuna kala hadli doonaa Khilaafka gaamuray ee kala dhaxeeya Madaxweynihiisa Somalia…

Iyadoo ilo wareedkaani ay tibaaxayaab in Mr.Deni Kulankaasi kadib, waxaa u qorsheysan inuu 10-11-ka bishaan uu ka soo degi doono magaalada Garoowe,sida ay ii sheegeen Saraakiisha Madaxtooyada, isagoo la sheegay in 4-Maslmood kadib imaanshihiisa dib ugu laaban doono Magaalada Dubai (UAE), arrimo Caafimaad awgeed Mr.Deni ayaa la tacaalaya xanuunka (Thyroid diseases).

Safarkiisa 2-aad lama yaqaan inta uu qaadan doono, balse 11-ka Bishaan waxaa ku eg mudadii Dastuurku u ogolaa in Madaxweynuhu ka maqnaado Xafiiskiisa Garowe, waxaa si weyn uga socda qaban qaabada Shirweynaha qeybaha Mucaaradka Puntland oo ay ka soo qayb galayaan ku dhawaad 250-Xubnood oo u badan Siyaasiyiin miisaan leh iyo haldoor kale, inkastoo Hoteelada Degaanka sida Hotel Grand iyo Marti-soor ay diideen iney kireeyaan Hoolalka Hoteelada.

281040cookie-checkMa Dhabaa in Mr.Dani Uu Maalmo Kooban Kadib Dib ugu Laabanaayo Dubai & Sababta..