Ma Dhabaa in Madaxweynaha Somalia in si Hordhac ah Loogu Sheegay Heshiiska Is-Afgarad ee Ethiopia & Somaliland…

Somalia news

Macluumaad Sirdoon ayaa daaha ka qaadaya in Kulan ay ku wada yeesheen 10-Novembar 2023-kii magaalada Riad ee Saudi Arbia Madaxweynaha Somalia iyo Wasiirka 1-aad ee Ethiopia si guud loogu wargeliyay una aqbalo nuxurka Heshiis Is-afgarad ee Ethiopia iyo Maamulka Somaliland inkastoo uu diiday…

Xogtaan ayaa xaqiijisay Madaxweynaha Somalia si hordhac ah loogu wargaliyay in Heshiiskaasi 20-km looga kireeyay muddo 50-sano ah, iney Ethiopia Deked Ciidan/Ganacsi ka dhistaan Xeebta Degmada Seylac, iyadoo sidoo kale Madaxweynaha Somalia uu 3-maalin kadib uu Wasiirkiisa Difaaca u diray Magaalada Addis abeba si u soo saxiixo Heshiis Iskaashi oo dhex mara Ethiopia iyo Somalia.

Xogo aan la xaqiijin ayaa tilmaamaya in Mr.Abiy uu xiriir la soo sameeyay Mr.Xasan Sheekh kuna wargeliyay Heshiiska, isla markaasna wada hadleen kadib markii uu ka khudbeeyay shalay Baarlamaanka, iyadoo sidoo kale Madaxweynaha Djibouti uu xogogaal u ahaa Saxiixa & qabashada Xaflada, waxaana marqaati u ah in Xasan Gurgurte uu Barlamaanka ku hagoogtay iney soo saaraan go’aan lagu eryaayo Danjiraha Ethiopia isla markaasna isla markaasna xiriirka ugu yaraan meel hoose la geeyo inta ay ka garaabayaan Falkooda.

Ku darsoo Hogaanka NISA oo ka Kaadiriinta Demu jadiid Maamushaan isla markaasna loogu talo iney si hordhac ah u ogaadaan Xuuraanka/lid xuraanka, Warbixina ka diyaariyaan ayaa la sheegay iney ka gaabiyeen si hordhacna u ogaan waayeen Heshiiskaan, waxeyna maahquul ku yihiin Muwaadiniinta aan taagersaneyn Xisbi-Diimeedka Madaxweynaha iyo iney Baad weydistaan Ganacsatada & Gadisleyda Caasimada iney CCTV ku xiraan Meherahooda Ganacsi ee Caasimada.

298000cookie-checkMa Dhabaa in Madaxweynaha Somalia in si Hordhac ah Loogu Sheegay Heshiiska Is-Afgarad ee Ethiopia & Somaliland…