Miyuu Qabsoomi doona Kulanka Golaha Wadatashiga Qaran Mise Waa lagu Kala Tagi Doonaa..

Politics Somalia news

Inkastoo wajigii hore ee Kulanka Golaha Wadatashiga Qaranka uu ku soo dhamaadey fashil kadib markii la isku mari waayey Qodobada la xiriira doorashooyinka iyadoo Madaxweynaha isku dayey inuu markii labaad muddo kordhin u sameeyo Hogaamiyayaasha Dowlad Goboleedyada oo doorashoyinkoodi la dhaafey, waxaana shirka isaga baxay Hogaamiyaha Maamulka Jubaland Axmed Madoobe…

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Wasiirka 1-aad Mr.Xamse Cabdi Barre ayaa lagu sheegay in Shirku weli furan yahay oo dib la isugu soo noqonaayo 26 Oktoobar 2024, taasoo ku began maanta, Warar ayaa sheegaya in Axmed Madoobe uu diiday inuu shirka dib ugu soo laabto kadib cadaadis uga yimid Kenya halkaasoo uu ku sugan yahay xiligaan, iyadoo isku dayadii iyo culeys saarkii Villa Somalia ay miro dhal noqon weyday.

Magaalada Muqdisho waxaa ku sugan 3-da Hogaamiye Maamul Goboleed kuwaasoo kala ah Qoor-qoor, Laftagareen iyo Guudlaawe, ma cadda in shirka saddexdooda loo furi doono Iyo in kale, Horey waxaa Kulankaan isaga baxdey Daniga Puntland oo aan ka soo qayb gelin labadii shir ee u dambeeyey, Haddii shirku baaqdo maanta, waxaa la is-weydiinayaa jihada Dalka loo dhaqaajin doono iyadoo Dalku si weyn u qaybsan yahay.

347610cookie-checkMiyuu Qabsoomi doona Kulanka Golaha Wadatashiga Qaran Mise Waa lagu Kala Tagi Doonaa..