Maxaa ka Run ah in Hey’adii Sirdoonka Puntland la Kala Diray Ciidankiina lagu Wareejiyay…

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa go’aan uu Madaxweynaha Puntland ku kala diray Hey’adii Sirdoonka Puntland ee PISF, Xoogagii Hey’adaan ee Hubeysna ayaa lagu wareejiyay Ciidamada Badda ee PMPF, iyadoo sidoo kale la xiray Xaruntii dhexe ee Hey’adaan sababo aan la cayimin awgeed…

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Howlgaladii Hey’adaan ayaa dhaqaale xumo baahsan soo wajahday, iyadoo laga jartay Biyihii iyo Korontadii kadib markii ay ku guuleysan weyday iney Qaan-sheegadka iska bixiyaan sida Wasaaradaha iyo Wakaaladaha ka dhisan Maamulka Puntland, iyadoo Dhismsha Hey’adaan uu sameeyay Madaxweynaha Puntland kadib isku dhicii PISF iyo Deni, waxaana ka howl galaayay sida la sheegay 600-Oo Askari 40-Gadiidka Dagaalka, inkastoo tirada hadda lagu wareejiyay Ciidamada Badda ay gaarayaan 160-Askari.

Madaxa Hey’adda (Amin Xaaji Kheyr) ayaan Xilka si Raami ah looga qaadin, balse waxaa lagu eedeeyay Maamul jilicsan, Xogo khaldan iyo xil gudasho xumo Hogaanka Hey’ada lagu helay, iyadoo guud ahaan ay Xaalad cakirnaan dhaqaale ah uu ka taagan yahay Degaanada Puntland, xili in ka badan lix bilood aysan wax mushaar ah qaadan shaqaalaha dawladda iyo qeybo badan oo kamid ah Hay’adaha Amniga Puntland iyo Shaqaalaha Rayidka.

“Wasaaradaha Puntland 95% koronto iyo biyo maleh waa laga jaray shaqaalahu aroorta hore bay soo xaadiraan iyagoo kartoon ay isku babiyaan sita Waa disgusting” ayuu yiri Maxamed Aamiin oo ah Agaasimaha waaxda Miino baarista Wasaarada amniga Puntland.

278680cookie-checkMaxaa ka Run ah in Hey’adii Sirdoonka Puntland la Kala Diray Ciidankiina lagu Wareejiyay…