Maxaa Xiligaan Keenay Dagaal Mindhicireedka Xisbiyada UDP Iyo Wadajir

Somalia news

Bilihii ugu dambeeyay Waxaa si hoose u soo shaac baxaaya dagaal mindhicireed ay Mas’uuliyiinta Xisbiga Xasan Sheekh (UDP) iyo taageerayaashooda ku bartilmaameedsanayaan Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir, dagaalkaan ayaa xoogiisu wuxuu ka socdaa Baraha Bulshada, iyagoo si aan gabasho laheyn eedeymo iyo borobogaando been abuur ah ka fidinaaya Mr.Cabdiraxman Cabdishakuur Warsame…

Dagaalkaan Siyaasadeedkaan oo aan mudooyinkii ugu dambeeyay si weyn u muuqan, ayaa la sheegay inuu salka ku hayo xurguf hoose oo u dhaxeysa Labada Hogaamiye, iyadoo la sheegay in Xasan Sheekh uusan la dhacsaneyn Siyaasadaha Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir, wuxuuna faray Taageerayaashiisa iney dacaayado ka fidiyaan Hogaamiyahaan, iyagoo kaashanaaya Taageerayaasha (CBB) Nabar iyo Naxdin.

Ilo wareedyo ayaa Warsidaha Diinah.con news u sheegay in Ololahaan ay wadaan Kaadiriinta Xisbiga UDP ayaa salka ku haya, sidii loo nusqaamin lahaa taageerada Uu Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir ku leeyahay Degaanada Galmudug, Hir-Shabelle, Goboleeda Dalka iyo Caasimadda Mogadishu, sidoo kale waxaa la sheegay in laga hinaasay Xiriirka xoogan oo uu Hogaamiyahaan la leeyahay Dalalka Khaliijka iyo inta badan EU-da UK.

Hogaamiyaha Xisbigaan ayaa noqday Siyaasigii ugu horeeyay ee mucaarada Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo, wuxuuna ka dhaxlay in weerar qaawan lagu qaado hoygiisa laguna dilo 6-qof oo xiligaasi ku sugnaa gurigiisa, waana naaquudaha saxda ah oo mucaardnimo kala hortagay Kooxda Villa Somalia.

Hogaamiyaha Xisbiga UDP ayaa ku jira dagaal laba aag ah, mid waa kan uu ku hayo Xisbiga Wadajir halka kana kale uu qeyb ka yahay Dagaal Siyaasadeedka lagu hayo Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday, sidoo kale Taageerayaasha Xisbiga UDP ayaa la sheegay iney horey u weerareen Sheekh Shariif Sheekh, Cabdikariim Guuleed iyo Daahir Maxamuud Gelle.

Lama yaqaano Ujeedada dhabta ah ee ka dambeyso dagaal Siyaasadeedkaan Xisbiga UDP, balse waxaa marqaati ma doonto ah in Ololahaan ay wadaan Mas’uuliyiinta, Kaadiriinta Xisbiga iyo Ardayda Jaamacada Simad iney saameyn ku yeelan doonto mustaqbalkooda iyo hamigooda siyaasadeed hadii aysan joojin dandaansiga iyo dacaadayaha raqiiska ah.

103100cookie-checkMaxaa Xiligaan Keenay Dagaal Mindhicireedka Xisbiyada UDP Iyo Wadajir