Madaxda Xisbiyada Puntland oo ka Tashanaaya Qabashada Doorashada Qof & Cod

Somalia news

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in magaalada Garoowe ay ka socoto qabanqaabada kulan balaaran oo Bartamaha bishan ay yeelan doonaan dhamaan Ururada Siyaasada Puntland, waxaana lagu wadaa in looga tashan doono barnaamijka Xisbiyada badan ee doorashooyinka qof iyo cod…

Xogo hoose ayaa sheegaya in shirkan kadib ay dhammaan Ururada Siyaasadu (Mustaqbal, Horseed iyo Sincad) kulan guud la yeelan doonaan Odayaasha Dhaqanka, Siyaasiyinta, Haweenka, Waxgaradka iyo Maamulka Dani islamarkaana ay kala hadli doonaan barnaamijkan.

Waxeyna Madaxda Ururada welwel xoogan ka qabaan in Maamulka Saciid Dani inuu moddo korarsi ku hoos qariyo Shirka uu ku baaqay, iyagoo ku cadaadin doonaan inuu dadweynaha hortooda ka caddeeyo in aanu wax mudda kororsi ah wadin.

Muddooyinkii danbe ayaa waxa soo baxayay tuhun iyo walaac xooggan oo laga qabo in madaxweyne Siciid Deni uu mudda kororsi ka dhex raadinayo doorashooyinka qof iyo cod.

217180cookie-checkMadaxda Xisbiyada Puntland oo ka Tashanaaya Qabashada Doorashada Qof & Cod