Swan Oo Martiqaad U Fidiyay Hogaamiyayaasha Somalida

Somalia news


Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa tilmaamay in Xarunta Amisom ee Xerada Xalane, ayaa ka socda abaabulka iyo qabanqaabada, kulan lagu wado iney isku soo hor fariistaan Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday iyo Maamulada Dowlad Goboleedyada, kaasoo lagu wado inuu hal maalin soco…..

Kulankaan ayaa waxaa garwadeen ka ah  Ergayga gaarka ah ee UN-ka ujooga Somalia Amb.James Swan, isagoo Casumaad u diray Madaxwaynaha Xil Gaarsiinta, Ra’isulwasaraha Xil gaarsiinta,iyo Madax-Waynayaasha Maamul Goboleedyadda dalka, waxaana Shirkaani lagu wadaa inuu ka qabsoomo Xerada Xalane Maalinta Arbacada ah ee Fooda nagu soo heysa.

Shirkaan ayaa umuuqda mid ka duwanaan doona Shirarkii hore Maadaama uu gar-wadeen ka noqon doono Amb.James Swan oo casumaada Fidiyay waxaana la filayaa in laga soo saaro khariidad ( Road-Map) waddanka lagu gaarsiiyo doorasho, waxaa aqbalay dhamaanba Madaxdii lagu Casumay.

100160cookie-checkSwan Oo Martiqaad U Fidiyay Hogaamiyayaasha Somalida