Xawaalado Lagu Eedeeyay Iney Fududeeyaan Ka ganacsiga Hubka

Somalia news

Sida ay daabacday Warbixin ay soo diyaarisay Wakaaladda Wararka Reuters , iyadoo Warbixintaasi diirada lagu saaray xiriirka dhaxeeya Kooxaha ka ganacsada Hubka iyo Xawaaladaha Soomaalida, taasoo la sheegay iney soo socotay muddo dheer isla markaasna ay luagaha la gashay Shaqsiyaad caan ah oo qaarkood ku sugan dalka Yemen…

Warbixitaan ayaa laga soo saaray Natiijo Baaris ay muddo dheer wadeen khubaro cilmi baarayaal ah oo fadhigeedu yahay magaalada Geneva, ee dalka Swiss-ka laguna magacaabo (Global Initiative Against Transnational Organised Crime), Khubaradaan ayaa Baaristooda sal uga dhigay Xiriirka ka dhaxeeya Xawaadalaha Soomaalida iyo kooxaha ka ganacsada Hubka iyo Rasaasta ee ku kala sugan dalalka Somalia, Yemen iyo Ethiopia.

Shirkadaha Xawaaldaha ee farta lagu goday ayaa kala ah Dahab-shiil, Amal Express, Iftin iyo Taaj, waxaana la sheegay in Xawaaladahaan ay dhaqaale u direen Shaqsi u dhashay dalka Yemen oo lagu magacaabo Sayf Abdulrab Salem al-Hayashi oo USA ay saareen xayiraad dhanka Maaliyada ah isagoo lagu eedeeyay inuu ka ganacsado Hubka iyo rasaasta iyo inuu lagu eedeeyay inuu hub iyo taageero dhaqaale siiyay Al-Qaacidada Jasiiradda Carabta iyo Dowladda Islaamiga ah ee Yemen, ayaa lagu yiri warbixinta.

61470cookie-checkXawaalado Lagu Eedeeyay Iney Fududeeyaan Ka ganacsiga Hubka