Muddo Xileedka Xildhibaanada Oo Gabaabsi Ah

Somalia news

Iyadoo Muddo xileedka Xildhibaanada Labada Aqal Ee Baarlamaanka Federaalka Somalia ay 20 cisho ka harsan tahay, waxeyna waqtiga kaga egyahay 27-December 2020 xilligaasoo ay u buuxsameyso muddo xileedkooda afarta sano. 27 December 2016 ayay aheyd markii la dhaariyay Xildhibaannada labada Aqal….

Heshiiska doorashada ee Baarlamaanka ay ansixiyeen ayaa dhigaya, si aysan u dhicin firaaq ku yimaado sharciyadda jiritaanka hay’adaha Dastuuriga ah ee Dawladda Federaalka; Baarlamaanka 10-aad oo awoodihiisa Dastuuriga ah u dhammaystiran yahay ayaa xilkiisa sii haynaya ilaa iyo maalinta la dhaariyo xildhibaanada loo soo dooratay Baarlamaanka cusub ee 11-aad ee Somalia si waafaqsan Qodobka 60aad ee Dastuurka Faderaalka iyo wax-ka-beddelka lagu sameeyey Sharciga Lr. 20 ee 27.06.2016.

Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa sheegay in doorashada ay noqoto mid loo dhan yahay oo cid walba qeyb ka tahay, waxaana uu u soo jeediyay dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada inay shir isugu yimaadaan oo lagu xaliyo arrimaha jira.

Ilaa hadda ma muuqato in isku soo dhawaasho heshiis laga gaaro dhinacyada isku haya Guddiyada Doorashada iyo kan Khilaafaadka, Waxaana soo shaac baxaaya in Maamulka Farmaajo uu go’aansaday in Muddo 3-5 belood ah loo oggolaado in lagu kordhiyo Muddo xileekiisa, bscdamaa aan lagu heshiin waayay Guddiyada Doorashada ee uu dhistay, talaabadaan ayaa u muuqta mid si ku tala ah loo sii qorsheeyay waxeyna horseedi kartaa In Nidaamka dhisan uu burbur ku yimaado.

77190cookie-checkMuddo Xileedka Xildhibaanada Oo Gabaabsi Ah