Deni Oo Ku Baaqay In Xaliyo Khilaafaadka Jira

Somalia news

Shirka Wakiilada Beesha Caalamka iyo Hogaanka Somalida Somali Partnership Forum oo maanta ka furmay Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galaya daneeyaasha Caalamka ee Somalia, Hogaanka Xukuumada, Bulshada rayidka iyo Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada oo hab Zoom ah uga qeyb galaya Shirka….

Madaxweynaha Puntland Mr.Saciid Deni oo Shirka aalada Zoomka kaga qeyb galay ayaa kahadlay Xiisada ay isku hayaan Maamulka Farmaajo iyo Hogaanka Jubaland wuxuu sheegay in Gobolka Gedo muran ka taagan maamulkiisa loo baahan yahay in la dhaqan geliyo Heshiiskii horey u wada gaareen Ee ka soo saarista Maleeshiyaad beeleedka la geeyay Gobolkaasi.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay tabashada xubnaha Gobolada Waqooyi ee la xiriirta doorashooyinka ayuu soo hadal qaaday waxaana uu carabka ku dhuftay Gudoomiyaha Aqalka Sare Mr.Cabdi Xaashi oo aad u dhaliilsan hanaanka dowladda ay u mareyso doorashooyinka.

77150cookie-checkDeni Oo Ku Baaqay In Xaliyo Khilaafaadka Jira