Muran Iyo Khilaaf Ka Taagan Xil-Wareejinta

Somalia news

Waxaa maalinta Axada ee soo socota lagu wadaa inuu xilka iyo Xafiiska la wareego Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, iyadoo ay jirto dood ku aadan sharcinimada xil wareejinta oo la sheegayo in cida uu xilka kala wareegayo uu yahay Sii Hayaha Ra’iisul Wasaaraha Mahdi Guuleed…..

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre uu warqad rasmi ah u qoray Ra’iisul Wasaare Rooble, kuna ogeysiiyay Madaxweynaha, Guddoonka Labada Aqal iyo Maxkamadda sare oo ah inuu isaga xilka ku wareejiyo sifo sharci ah, ayna tahay xogo iyo dukumentiyo qaranka ku saabsan uu ku wareejiyo Raiisal Wasaaraha sida sharciga ah Golaha Shacabka u ansaxiyay.

Mr.Xasan Cali Kheyre ayaa xilka laga qaaday bishii Luulyo 25 ee sanadkan kaddib markii uu si cad uga horyimid damaca doorashooyinka ee Farmaajo, Wuxuuna sheegay in ay doorashada ku dhacdo wakhtigeeda isla markaana aanu dalka diyaar u ahayn doorasho qof & cod ah.

62920cookie-checkMuran Iyo Khilaaf Ka Taagan Xil-Wareejinta