Dab Xoogan Oo Xalay Ka Kacay Suuqa Bakaaraha Mogadishu

Somalia news

Abaare 1:30am saqdii dhexe ee xalay ayaa lagu guuleystay in xakameeyo dab xooggan oo qabsaday qeybo ka mid ah  Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, Waxaana ku baxay Shacbi, Kooxda Dab Demiska iyo Xoogaga Amaanka..

Wararka ayaa sheegay in lagu guulaystay xakameynta dabkaasi oo muddo labo saac ka hor ka kacay bartamaha Suuqa Bakaaraha, Dabkaasi ayaa ahaa mid xoogan isla markaana waxaa fududeeyay dabayl xilligaan magaalada ka jira, waxaana Dabku ku fiday meherado badan oo ka mida suuqa sida Dahabka, maacuunta, harqaanlayaasha iyo Tafaariiqda.

Wararka ayaa aheegay in Dabku uu khasaariyay Ganacsato fara badan oo ay ku hanti beeleen dabkan xalay qabsaday Suuqa Bakaaraha, ilaa hadda lama oga qiyaasta khasaaraha hantiyeed ku gubatay Suuqa, Dalka Somalia ayaa la sheegay in Dhibaatooyinka Abaarta, Amaan la’aanta ku kordhaan Dab ka Kaca Suuqyada iyo Dadaad Magaalooyinka qaada.

238270cookie-checkDab Xoogan Oo Xalay Ka Kacay Suuqa Bakaaraha Mogadishu
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com