Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Xariga Madaxda Iskaashatada Gaadiidka

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Howlgal ay fuliyeen dhowaan koox ka tirsan Xoogaga NISA uu hormuud u yahay Horjooge Abdalla Dheere ay ku afduubteen Madaxdii Iskaashada Gaadiidka Ka xoogsata Dekeda Muqdishu…

Xogtaan ayaa tilmaamtay In Mas’uuliyiinta laga afduubtay guryahooda ay kala yihiin

-Mr.Xuseen Maxamed Xasan (Gudoomiyaha)

-Xaaji Maxamuud Cumar Cadaan Kuxigeen

-Mr.Cadceed Cusmaan Shuuriye (Xiriiriyaha Guus).

Waxaana lagu Eedeeyay iney xiriir la leeyihiin Kooxda Shababka, isla markaasna ay u soo magacaabeen Hogaanka Iskaashada, taasoo la sheegay ineysan jirin, Waxaa marqaati ma doonto ah in Kooxda Shababka ay maamulaan si dadban dekada Muqdishu, iyagoo dhaqaale ka qaata Ganacsatada bader daags ka soo degsada Marsada Muqdishu.

Iskaashatada Gaadiidka ee Xamuulka ka soo qaada Dekada ayaa laga qaadaa halkii Gaari lagu kireeyaa 450- US $, 135-oo baadaan ka mid ah waxaa loo qeybsadaa sidaan:-

Kooxda Shababka 40 US$

Wasiirka Wasaarada 20 US $

Maamulka Dekeda (Shuuriye) 15

Maamulka Boliiska iyo NISA 20

-Maamulka Iskaashada 40 US$

Ma waxaa loo Xiray Mas’uuliyiinta Iskaashatada in Adeege Fahad sidii Saamiga iyo baadka NISA kor loogu qaadi lahaa bacdamaa baad ay qaadaan Saraakiisha NISA ee Dekada!.

62880cookie-checkWararkii Ugu Dambeeyay Ee Xariga Madaxda Iskaashatada Gaadiidka