Musharaxiinta Oo ku kala Aragti Duwanaaday Shir Xalay ka Dhacay Mogadishu

Somalia news

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa ku kala qeybsamay shir caawa ka dhacay Mudqisho oo lagu taageerayo Ra’iisul Wasaare Rooble, loogana soo horjeedo isku daygii afgambi ee lagu doonayay in Xafiiskiisa lagula wareego uuna soo abaabulay Farmaajo…

Munaasabada Oo xalay ka dhacday Hotel Afrik ayaa waxaa ka soo qeyb galay xubno ka tirsan Midowga Musharaxiinta oo ay ka mid yihiin Madaxweynihii hore Xasan Sheekh, C/raxmaan C/shakuur, C/kariin Guuleed iyo xubno kale.

Waxaa shirkaas ka maqnaa oo aan soo xaadirin Madaxweynihii hore ahna Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyo xubno kale, Xubnahaan ayaa la sheegay iney ka caroodeen Martiqaad uu Golaha Midowga Musharixiinta u Fidiyay Axmed Qorqor.

Lama oga sababta ay uga baaqsadeen shirka balse Shiikh Shariif iyo Khayre ayaa maalmo ka hor diiday in xiisada siyaasadeed ee ka taagan lagu maquuniyo awood, dagaalna lagu qaado Farmaajo si looga saaro Villa Somalia.

159250cookie-checkMusharaxiinta Oo ku kala Aragti Duwanaaday Shir Xalay ka Dhacay Mogadishu