Digniin laga soo saaray Ka Bixintaanka Ciidamada ATMIS..

Somalia news

Khubarada ku xeel dheer arrimaha Amaanka ayaa digniino ka soo saaray burbur ku yimaada Hey’adaha Dowliga ayaa laga yaabaa iney ka dhacaan Somalia marka uu dhamaado muddo xileedka Howlgalka ATMIS, iyadoo haatan uu Madaxweynaha Somalia u joogo Xarunta QM…

Falanqeeyayaasha ayaa dul istaagay in Cawaaqibkaan la kulmi doonaan Dowladda Federaalka haddii aan la qaadin Cunaqabateynta hubka oo saaran Somalia muddo 33-sano ah, iyadoo farta ku goday in ka bixitaanka iyo ka Qaadis la’aanta Cunaqabateynta Hubka ay yihiin kuwo isku xiran, Somaliana waa iney heshaa Ciidamo tayo iyo Qalab fiican leh kuwaasoo awoodi doona iney Dalka ka xoreeyaan kooxaha Argagixisada.

Dhanka kale Muwaadiniin Soomaaliyeed oo qaab beeleysan u taageera Maamuladii Dalka soo maray ayaa maalmahaan waxey ku dhiiradeen iney soo bandhigaan afkaar qalafsan, iyadoo Baraha bulshada ku faafiyay iney ka soo horjeedaan in Somalia laga qaado Cunqabateynta taasoo saarneyd muddo 33-sano ah, isla markaasna wiiqday Awooda Ciidamada Xoogga Dalka ee la dagaalanka kooxaha argagixisada.

Dalka Somalia ayaa muddo sanado ah wajahaaya caqabado ay dhigeen Golaha Amaanka una baahan in Ciidamadeena loo dhameystiro qalabka ay u baahan yihiin ee ka hortagga kooxaha argagixisada, burcad-badeedda iyo kooxaha nabad-diidka ah. QM waa iney qaado cunaqabateynta hubka, mida la yaabka leh ayaa ah in dalal ka khatarsan ayaa laga qaaday Cunaqabateynta Hubka oo aan xasilooni ka jirin halka Somalia ay ku hoos jirto xayiraadaasi.

261490cookie-checkDigniin laga soo saaray Ka Bixintaanka Ciidamada ATMIS..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com