Golaha Wasiirada Oo Cambaareeyay Afgambigii Farmaajo & Kooxdiisa

Somalia news

Wararka hordhaca ah ayaa laga helayaa Kulan caawa ay yeesheen Golaha Wasiirada ee Dowladda Xil gaarsiinta, iyadoo uu shir-gudoominaayay Wasiirka 1-aad Mr.Maxamed Xuseen Rooble kaasoo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada…

Shirkaan ayaa si adag loogu cambaareeyay Isku daygii Afgambi iyo is-hortaagii lagu sameeyay Wasiirka 1-aad uuna ku kacay Farmaajaha Fashilmay laguna taageeray Shirka Golaha Wadatashiga Qaran Ee ku aadan Doorashooyinka, iyadoo loogu mahad celiyay Taageeradii Shacbiga Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka.

Waxaa isku raacay in Baaritaano lagu sameeyo kooxihii ku lugta lahaa duulaanka lagu qaaday Hey’addaha Dastuuriga ah ee Dalka, wuxuuna Mr.Rooble xaqiijiyay inuu magacaabi doono Guddi ka kooban 5-xubnood Oo baaris Dhab ah ku sameeya sidii ay wax u dhaceen.

Waxaa kaloo lagu ansixiyay Miisaaniyada Dowladda Sanadka 2020, iyadoo sidoo kale la ayiday Qorshaha sugida Amniga Caasimadda Oo ay soo diyaarisay Wasaarada Amniga gudaha kaasoo faraaya in la dhiso Ciidamo isku dhaf ah oo ka kooban qeybaha kala duwan ee Ciidamada Dowladda Federaalka.

159220cookie-checkGolaha Wasiirada Oo Cambaareeyay Afgambigii Farmaajo & Kooxdiisa