Hogaanka Midowga Musharixiinta ayaa soo dhoweeyay Magacaabista Ergayga AU-da Ee Xalinta Khilaafka Doorashada kaasoo loo magacaabay Mr.John Dramani Mahama oo u Dhashay dalk Ghana, Madaxweynihii hore Ee dalkaasi…
Ergeygaan ayaa hogaamin doona Kooxda AU-da u qaabilsan Arrimaha dhexdhexaadinta wada hadalada xalka loogu raadinaayo Khilaafka ragaadiyay geedi socodka Doorashada Somalia, balse sida ku cad Qoraalka waxey ganafka ku dhufteen in la-taliyaha gaarka ah laga dhigo Mr.Babatunda Taiwo oo xiligaan ah Madaxa Siyaasada howlgalka AU-da ee Somalia.
Sarkaalkaan (Taiwo) iyo Madaxada Amisom hogaamisa ayaa lagu Eedeeyay iney la safteen Isla markaasna ay dhaqaale ka qaateen dhinac ka mid ah dafaryada ku hardamaaya Xiisada Siyaasadeed ( Kooxda Farmaajo) inkastoo aysan soo bandhigin caddeymo.
Ergeyga ayaa lagu wargeliyay in “ iyadoo la xeerinaayo ficiladii hore Ee Taiwo iyo xubno kale, sida ay dhexdhexaad uga noqon karaan una fulin karo dalabyada Midowga Musharixiinta, waxeyna ku adkeeyeen in dib u eegis lagu sameeyo magacaabista Shaqsigaan liita Ee ka howlgala Xafiiska Siyaasada Ee Amisom.