Digniino Laga Soo Saaray Fatahaadaha Wabiyada Dalka

Somalia news

Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) ayaa digniin kasoo saartay halista ka dhalan karta daadad xoog leh oo ka dhalan kara roobab dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay aay roobab xoogan ka da’ayeen qeybo badan oo ka mid ah gobolada dalka, kuwaasoo si aad ah usoo buux dhaafiyay wabiyada Shabeelle iyo Jubba…

Hay’adda FAO ayaa sheegtay inuu si aad ah u buux dhaafay Wabiga Shabeelle hadii aay sidaan xaaladu kusii socotana laga cabsi qabo fatahaado aay sameeyn karaan wabiyada Jubba iyo Shabeelle.

FAO ayaa sidoo kale sheegtay in roobabka ugu cuslaa aay ka da’een dhulka Buuraleeyda Itoobiya kuwaas oo si toos ah daadadka ugu soo shuba gudaha Soomaaliya, gaar ahaana waxay si aad ah u saameyn doonaan gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe. 

“Waxaa ugu daran biyo xireenka iyo qararka wabiga oo daciif ah oo durbaba fatahaad ka bilaabay Jowhar, bulshooyinka ku nool hareeraha wabiga  Shabeelle waa iney taxadaraan maadama qulqulka biyaha la filayoniney soo dhaafaan jiinka wabiga dabayaaqada todobaadkan” ayaa lagu yori qoraal digniin ah oo kasoo baxay Hay’adda FAO.

FAO ayaa digniinteeda sidoo kale ku sheegtay in qatarta fatahaada wabiga Jubba ay tahay degmada Dooloow oo ay sheegeen in cabsida ugu badan halkaasi aay ka jirto marka laga soo tago wabiga Shebeelle.

117740cookie-checkDigniino Laga Soo Saaray Fatahaadaha Wabiyada Dalka