Ma Dhabaa in Maamulka Hirshabelle uu Diyaariyay Qorshe lagu Hirgelin karo Dhismaha Dekedo

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelada dhexe ayaa sheegaya in Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee dowlad-goboleedka Hirshabeelle Yuusuf Maxamed Axmed uu bogaadiyey dhammeystirka xoreynta degaannadaasi wuxuuna hoosta ka xariiqay in Wasaaraddu ay bilowday qorshaha sahminta Dekado ay yeelato…

Mr.Yuusuf ayaa tilmaamay in degaannada ay horey ugu dhuumaaleysanayeen kooxda argagixisada Shababka ay ku yaalaan dhul xeebeed badan oo laga hirgelin karo dekedo ganacsi oo qeyb ka noqdo ganacsiga iyo horumarka degaanka, sidoo kale dekedo kalluumaysi oo kalluunka laga dhoofiyo, maadama aysan dalka ka jirin.

“Qiimeynta hor-dhaca ah ee ay diyaarisay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Hirshabeelle waxaa ka soo baxday in deegannada la xoreeyey ay qaarkood ku habboon yihiin in laga dhiso Dekedo, kuwaasoo ay ka jirto fursado maagashiga, door weyn-na ka qaadan kara Ganacsiga Hirshabeelle iyo guud ahaan Soomaaliya.” ayuu yiri Wasiirka.

Wuxuuna ugu baaqay Waxgaradka iyo Ganacsatada Hirshabeelle iney qeyb ka noqdaan qorshahan isku-tashiga ah ee dhawaan la soo bandhigi doono, isagoo xusay in Hirshabeelle ay maanta u gudubtay marxaladdii ka dambeysay dhammaadka kooxda argagixisada Shabaabka, taasoo ah horumar iyo wax-wada qabsi.

234950cookie-checkMa Dhabaa in Maamulka Hirshabelle uu Diyaariyay Qorshe lagu Hirgelin karo Dhismaha Dekedo
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com