Ethiopian Airlines Oo War ka soo saartay Cilad ku timid Diyaaradeeda Duulimaadkii Mogadishu

Africa News Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa shil gabal-dhicii shalay ku qabsaday Dhabaha Diyaaradaha (Runway) magaalada Mogadishu, Duulimaadkii Mog-Addis ee Ethiopian Airlines, iyadoo dib u dhac uu ku yimid Rakaabka saarnaa kuwaasoo la dejiyay Hotel-ka Decale….

Wararka ayaa sheegay in Diyaaradda Ethiopian Airlines, duulimaadkeedii shalay ayaa matoorka diyaaradda waxaa galay Shimbirka Gorgorka, cilad ayaa soo food saartay oo aan markaas la xalin karin waxeyna sabab u noqotay in diyaaraddu baaqato’ ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxa shirkadda.

“Shirkadu waxay xaqiijinaysaa ineysan jirin wax gubasho ah oo diyaaraddu kala kulantay magaalada Muqdisho”, waxeyna intaasi raacisay iney ka xun tahay dib u dhaca ku yimid duulimaadkii galabta, iyadoo balan-qaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan arrintaas loo xalin doono.

233400cookie-checkEthiopian Airlines Oo War ka soo saartay Cilad ku timid Diyaaradeeda Duulimaadkii Mogadishu
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com