Muuse Biixi Oo Safar Ugu Baxaaya Mareykanka

Somalia news

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa inay gelinka dambe ee maanta u socdaali doonaan dalka Mareykanka, iyadoo xubno Wasiiro ah & Xubno kale ay ku wehlin doonaan safarkiisa..

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Dowlada Mareykanka ay dal ku galka u diiday 2-Wasiiro kamid Maamulka Muuse Biixi, kuwaasoo kala ah Wasiirka Warfaafinta & Arrimaha Gudaha, waxaana lagu eedeeyay iney si qasab ah u barakiciyeen Muwaadiniin Soomaaliyeed.

Waa safarkii ugu horeeyay ee uu ku tago dalka Mareykanka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi tan iyo markii la doortay sanadkii 2017kii, Waxaana la filayaa in inta uu ku sugan dalkaas kulamo la qaato madax uu ka mid yahay Xoghayaha Difaaca USA Mr.Lloyd Austin iyo Jaaliyadda Somaliland ee Mareykanka.

174430cookie-checkMuuse Biixi Oo Safar Ugu Baxaaya Mareykanka