Rooble Ma Ka Hortagi doonaa Qalalaasaha degaan Doorashada Gobolka Gedo

Somalia news

Warbixin hordhaca ah ayaa tilmaameysa in Wasiirka 1-aad ee Dowlada Federaalka Mr.Rooble uu wado la-tashiyadii ugu dambeeyay ee ku aadan go’aan qaadaahada 16-ka Kursi ee Magaalada Garbahaarey loo asteeyay soo wareejintooda, kadib markii Maleeshiyaad Beesha Farmaajo ay hor-istaageen Guddigii Xaqiiqo raadinta loo xilsaaray…

Kuraastaan ayaa heehaab galay kadib markii Farmaajo uu diiday in si daahfurnaan ah loogu tartamo magaalada Garbahaarey, inkastoo warar aan la xaqiijin ay sheegayaan inuu oggolaaday inuu Ciidamo beeleedyada ka saaro magaalada laguna qabto doorashada, iyadoo Musharaxiin kasoo jeeda Beelaha kale ay soo jeediyeen in Magaalada Mogadishu loo soo wareejiyo oo aan lagu qaban magaalada Kismaayo.

Axmed Madoobe & Saciid Dani ayaa la sheegay iney dadaal xoogan ku bixinayaan sidii loogu qaban lahaa doorashada magaalada Kismaayo, iyagoo xiriiro culeys saar ah la sameeyay Howlwadeenada Safaaradaha ee magaalada Mogadishu waxeyna ka codsadeen in Rooble lagu qasbo inuu oggolaado in Kismaayo lagu Doorashada.

Khilaafka Kuraasta Gobolka Gedo ayaa u muuqata mid go’aankeeda uu leeyahay RW Rooble, wuxuu sheegay, in isagoo ka duulaya, heshiisyadii doorashada Golaha wadatashiga Qaranka ee 17 Sebteember 2020, 27 Maajo 2021 iyo go’aankii Golaha Wadatashiga Qaranka ee 24 Febraayo 2022, dhameystirka dhoorashooyinka dalka, ka hor 15 Maarso 2022.

174460cookie-checkRooble Ma Ka Hortagi doonaa Qalalaasaha degaan Doorashada Gobolka Gedo