Maxaa Iska Bedelay Amniga Guud ahaan Dalka & Caasimada Kadib Dib u Doorashadii Xasan Sheekh..

Somalia news

Dad badan ayaa aminsanaa in Madaxweynaha Somalia dib u doorashadiisa ay wax badan iska bedeli doonaan Amniga, Hufnaanta iyo daah furnaanta Nidaamka Dowladeed lagana reysan doono Nidaamkii Farmaajo, balse ayaan darro Waxaana magaalada ka dhacayay falal aaney horey u aqoon sida ciyaal weero iyo kala shaki xoogan oo soo kala dhex galay Xulafadii uu Madaxweynaha ka mid ahaa xiligii doorashada…

Ku darsoo Akhristow Waxaa intaa dheeraa wada shaqeyn la’aanta Laamaha Amniga, Daadad iyo Biyo qaadeen Mogadishu iyo B/weyne, Qaraxyo, falal argagax leh iyo dilal qorsheysan, iyadoo uu Madaxweynaha ku abaal mariyay Xilalkii Dowladda ee ee Saamiga Beeleed uu ku yimid kaardiriintiisa, isagoo Magacii uu beesha uga Wakiilka ahaa Dowladda si aan xishood laheyn u shaqo galiyay ilaa Caruurtiisa.

Madaxweynaha ayaa noqday Mas’uulikii ugu horeeyay ee jabiya Rekorka Duulimaayada iyo Tamashlaha, isagoo safar kasta Khasnada Dowladda ee Canshuurta laga qaado Shacbiga Mogdishu kala baxa 300-Kun US$ kuna soo tamashleeya, halka Beesha uu ka dhashay hal-doorkoodii iyo Dhalinyaradoodii Dabka geliyay, iyadoo lagu qiyaasay 700-Dhalinyaro ah oo ka soo jeeda Gobolada Hiiraan iyo Shabelada dhexe ay birta mariyeen Argagixisada Shababka kana qaateen Hub iyo gaadiid dagaal.

Waxqabadka Madaxweynaha waxaa hal sano lagu xasuusan doonaa Musuqa oo caadi ka dhex noqday Maamulkiisa, Dhalinyaradii Bajaajta ku shaqeysan jirtay oo awlba dhib, Dilal & baad joogta ku qabay isticmaalka Wadooyinka iyo Isbaaroyinka uu haatan u rogay Mashruuc NGO ah oo uu ku naasnuujinaayo Kooxdiisa, kuwaasoo u kala qeybiyay Mootooyinka A & B, waxaana labada xaraf lagu qadaa 35-US$ halkii Bahaaj hadii aad ku dhufato 40-kun oo Mooto maxaa ku soo baxaaya Muwaadinow Rati kacsigii qeylo dhaantii lagu kicinaayay Beesha halkaasoo ayaa marayaa, Mooge Maxaa kuu baxay!.

255760cookie-checkMaxaa Iska Bedelay Amniga Guud ahaan Dalka & Caasimada Kadib Dib u Doorashadii Xasan Sheekh..