Muwadiniin India U Dhashay Oo Xaalad adag Ku Heysato Muqdishu

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga soo sheegayaa koox (Muwaadiniin) u dhashay Dalka India oo xaalad Laheystanimo loogu heysto Magaalada Muqdishu, Kooxdaan oo la sheegay iney u shaqeynaayeen Shirkad Somali ah oo fadhigeedu yahay Gobolka Benadir…

Ilo wareedkaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news xaqiijiyay in Kooxdaan oo ka kooban (33-Qor) una dhalatay Dalka India ay Dalka keentay Shirkadda Som Steel Limited oo fadhigeedu yahay Magaalada Muqdishu, kadib markii ay qandaraas kula gashay bilowgii sanadkaan, hase yeeshee uu khilaaf xoogan uu soo kala dhex galay Shaqaalahaan iyo Maamulka Shirkadda, taasoo horseeday in laga jarto Raashinkii iyo Korontadii muddo dhowr bilood ahna aan la siiniyay Mushaarkoodii.

Saraakiisha Safaarada India Ee Nairobi ayaa xiriir la sameysay Wasaarada Arrimaha Dibeda Ee Somalia, isla markaasna kala xaajootay xaalada Shaqaalahaan iyo sidii xuquuqdoda loo siin lahaa dibna loogu celin lahaa dalkooda sida ugu dhaqsiyaha badan.

Sanadihii ugu dambeeyay waxaa aad u soo kordhaayay Cabashooyinka ka imaanaaya Ajaaniibta ka howlgaleysaw Somalia, iyadoo inta badan cabaahadaan ayaa la sheegay in Dowladda Federaalka ay ku xaliso daaha gadaashiisa kiisaaskaasi, waxaana laga qariyaa Shacbiga iyo Warbaahinta gudaha.

68160cookie-checkMuwadiniin India U Dhashay Oo Xaalad adag Ku Heysato Muqdishu